Qorqor Iyo La Heshiiyay Xubnaha Mucaaradka

Politics

Is-bedelka siyaasaddeed ee waayadan ka socday Galmudug, ee uu waday Madaxweynaha cusub Mr.Qorqor ayaa Khubarada Arrimaha Gobolka ka yaabiyay sida dhaqsaha badan ee uu u kasbaday Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ee uu uga mid dhigay Golihiisa Wasiirada, inkastoo aan laga soo dhoweynin Villa Somalia…

Maxaa Sahlay Isku Soo Dhowaasha
Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan maalmahan ayaa noqotay maxaa sahlay in Mr. Qorqor, inuu si fudud ku kasbado Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka, ma siyaasad fur furid ayey ka tahay mise qorshe kale ayaa jira.

ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Mr.Qorqor uu kasii baxaayo gacanta Ii Maamulka Villa Somalia, uuna u xuubsiibanaayo Siyaasiyinta ku xiran Xisbiyada, waxaana lagula taliyay inuu dhiso Maamul tayo leh oo Ciidamadiisu u madax banaan yahay.

Xubnaha howshaan gacanta ku haya, ayaa la sheegay iney laba qeybood ka kooban yihiin, kuwaasoo isku ujeeddo ah:-

Kooxda Hore, Waxaa Hormuud u ah Axmed Macalin Fiqi iyo Liibaan Tahliil Warsame. Xubnahan waxaa soo raaca gudoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Bukhaari, kaas oo aanney wali si fiican u heshiinin Qorqor.

Kooxda labaad waxaa hogaaminaya musharax hore Kamal Gutaale, waxaana qeyb ka ah dad uu ka mid yahay Cabdinasir Geelle oo dhowaan laga dhigay wasiirka qorsheynta ee Galmudug, xagga farsamada iyo dabagalka kulamada Qorqor waxaa kala shaqeynaya nin la yiraahdo Cabdullaahi Calas. Labada dhinac waxaa ay ka simanyihiin hal mowqif oo ah in Qor qor uu ka baxo gacanta Villa Somalia.

Liibaan Tahliil oo abti u ah Cabdinaasir Geelle ayaa ah ninka isku xiraya labada dhinac, si aan hadhow la isu khilaafin, markii arrinta lagu guuleysto.

Mr.Qorqorwaxaa lagu qanciyay in Marka hore ka dhiso Ciidamo Daraawiishta ah iyo Kuwo Boliiska degaanka si looga maalmo Gacanta Maamulka Ciidamada Ee Villa Somalia, waxaa kaloo lasoo jeediyay in Heshiiska Dekeda Hobyo la geliyo tartan furan si shirakado badan loo tartansiiyo, Shirkadii ku guuleysata lagu wareejiyo Maamulka dekadda Hobyo.

35740cookie-checkQorqor Iyo La Heshiiyay Xubnaha Mucaaradka