Qorshaha Doorashada ee Farmaajo iyo Dhibaatada Ka Dhalan Karta

Politics

Xogo Qarsoon oo soo gaaray Diinah.com ayaa muujinaaya  in kooxda ololaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo ay miiska saareen qaab cusub oo ay doonayaan iney ku wajahaan nidaamka Doorashada Dalka 2020/2021, isla markaana laxaqiijiyo doorasho saamixi karta soo noqoshada Mr.Farmaajo….

Sida ku cad Qorshahaasi, Waxaa lagu wadaa in Is-bedel lagu sameeyo Hogaanka NISA, waxaana Xilka Agaasimaha Loo magacabi rabaa Horjooge Abdullahi Kulane (Jiis Mareexan) wiilka uu adeerka u yahay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale Qorshahaan ayaa lagu wadaa in Agaasimaha Guud ee waaxda Dad-dhigida iyo Aqoonsiga loo magacaabi rabaa shaqsi magaciisa layiraahdo Mukhtaar Qoraanse.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in magacaabista labadaan shaqsi ayaa asal dhig u ah qorshaha lagu doonayo in looga adeego siyaasada la doonayo in markale Madaxweyne Farmaajo uutalada dalka ku qabto.

Mukhtar Qooranse oo horay baxsad uga ahaa NISA maadama uu lunsaday lacag gareyso USD$1.3 Milyan oo US$, isla markaasna dalka isaga tagay isagoo xil wareejin aan sameyn. Lama oga sida suurta gal u tahay masuul looga bartay wax isdabamarin in lagu aamini karo xilka Agaasimaha Guud ee bixinta ID Qaranka.

Abdullahi Kulane (Jiis Mareexaan) oo marar badan warbaahinta gudaha & dibada ay tabisay in uu xiriir wadashaqeyn kala dhaxeeyso Horjooge Kooxda Al-Shabaab Abu Cubeyda qeybna ka ahaa qaraxyo & dilal qorsheyda oo laga fuliyay Caasimada Muqdisho iyo Gobolada qaarkood, Hadana Maamule guud ka ah Howlgalada Magaalada B/Xaawo, ayaa waxaa layaab leh sida ay suurta gal ku tahay in shaqsiga noocaas ah loo magacaabo Agaasimaha Guud ee NISA shaqsi Halis ku ah Amniga Qaranka &  midka siyaasiinta mucaaradka DF.

Xaliimo Yareey Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxa Banaan ayaa la filayaa in ay 27 bisha ay ku dhawaaqdo sida ay doorashada u dhaceeyso iyo goorta laqaban karo iyadoo shaacin doonto doorasho qof iyo cod ah ay dhic doonto. Xalimo Yarey ayaa muddo xileedkeeda ku egyahay bisha June 2021, waana sababta ay u shaacin doonto in ay doorasho dhaceyso wakhtigeeda, waayo haddii aanay taa sameyn oo aanay doorasho dhicin, waxay Xalimo Ogtahay in aanay saaxadda siyaasadda dalka aanay dib ugu soo noqon doonin.

Lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan Siyaasinta Mucaaradka  hadii doorasho aan laga talagalin saamileyda siyaasadeed lagu dhawaaqo, sida ay marar badan idiin soo tebisay in ay suuragal tahay hadii ay dhici waydo doorasho xor iyo xalaal ah in ay suura gal tahay dalka uu galo xaalad fowda ah ama dagaal sokeeye.

35460cookie-checkQorshaha Doorashada ee Farmaajo iyo Dhibaatada Ka Dhalan Karta