Qorshe Ilaalada Looga Qaadaayo Madaxdii Hore..

Politics

Maamulka Villa Somalia ayaa Taliska Ciidamada ku amray iney soo diyaariyay qorshe Ilaalada Ciidamada Dowlada looga ka noqonaayo Madaxweynayaashii hore Somalia…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dood ay ka timid amar lagu Bixiyay in ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dooddan ayaa u dhaxeysa saraakiil ka tirsan xafiisyada Madaxtooyada iyo iyo taliyaha ciidamada Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage, iyadoo qorshahaani uu gadaal ka riixaayo Mr.Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay badashay dhamaan ciidankii Koofiya Casta ee ku sugnaa Muqdisho, waxaana lagu badalay ciidan cusub oo Koofiya Cas, halka kuwii hore loo wareejiyay gobolada dalka gaar ahaan Shabeellada Hoose.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ilaalo u ahaa tobaneeyo kamid ah Koofiya Casta Madaxtooyada, waxaana hadda amar lagu bixiyay in laga badalo laguna wareejiyo ciidan cusub oo tira ahaana aad uga yar, sidoo kalane aysan heyb ahaan is laheyn taas oo abuurtay walaac xoog leh.

General Odawaa ayaa ciidankii hore ilaalada u ahaa Madaxweynayaashii hore ku qoray Taliska Guud taasoo ka hor tagaysa in la badalo waxaana Odawaa ku qabsaday Madaxweynaha.

Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khilaaf arrintaas ka dhalatay kadib markii Odawaa uu diiday in ciidanka uu badalo.

“Ma badalayo ciidankaas inta aan ahay Taliyaha Xoogga, markii aniga lay badalo ayaa badali doontaan” ayuu yiri Odowaa sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan saraakiisha Xoogga.

21420cookie-checkQorshe Ilaalada Looga Qaadaayo Madaxdii Hore..