Sad-buursiga Marwada Madaxweynaha iyo Xilalka

Politics

Warbixino laga helay ilo lioo qaateen ah ayaa sheegaya in Marwada Madaxweynaha ay ku dhex milantay Shaqadii Dowlada, waxeyna Xilal Sare u xulatay Xubno ku jufo Hoose ah, taasoo ka dhigtay In Maamulka Farmaajo uu ku fashilmo xilikii Loo igmaday…

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Waxgarad Ka soo jeeda Jufada Abakar (Murasade) kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ay Cabasha ka keeneen Marwada Mrs.Seynab Cabdi Macalin ay isku koobtay Xilalkii Beesha Abakar ka saftay caa’iladeeda hoose iyadoo adeegsaneysa Awoooda ninkeeda (Madaxweynaha).

-Marwada ayaa ah Madaxa Is-dhexgalka Diimaha (NGO) Dhaqaale badan ka hela dhiiri gelinta wada hadalka Diimaha kala duwan.

-Marwada Ayaa fara gelisay, iyadoo bedeshay Nabadookii guud ee Jufada Abokor oo ahaa Nabadoon Iman Jimcaale waxeyna ku bedeshay Cali Shiino oo qurbajoog ah (Diaspora).

-Walaalkeed Cumar-Faaruq Cabdi Macallin, Madaxa Dayniile Media Group, isla markaasna Bixiya Qandaraasyada macaasha badan laga faa’iido iyo Madaxa Dhaqaalaha ee baraha Bulshada, Xubina ka ah Xoogaga Wadaniyiinta.

-Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Qeybta Maaliyada iyo Agaasimaha Maaliyada Beesha Murusade.

-Ayaan Cabdi Maxamuud (Dhiiley) Agaasimaha waaxda Canshuuraha Gobolka Benadir (Xigto hoose), Waa Marwada Feysal Cabdi Macallin.

-Cabdikariim Macallin Axmed Xildhibaan Galmudug (Ilmo Adeer)

-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Cabdi Doori (Xigto hoose)

-Gudoomiye Kuxigeenka Bangiga dhexe Mrs.Maryan Macallin (Xigto)

-Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Madaxtooyada Sheekh Cusmaan Cabdi Macallin (Walaal).

-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Konfurta Galbeed ahna Xildhibaan Marwada ayaa Eedo u ah.

32240cookie-checkSad-buursiga Marwada Madaxweynaha iyo Xilalka