Saraakiisha Sacuudiga oo Bilaabay Ganaaxa Dadka aan heysan Fasaxa Xajka…

World

Hay’adaha Amaanka guud ee Sacuudiga ayaa bilaabay dhaqangelinta la xisaabtanka Dadka ku xad-gudbay Awaamiirta iyo xeerarka xajka ee lagu qabto iyagoo aan haysan Fasaxa Xajka ee gudaha magaalada Maka, Gobolka dhexe, goobaha Barakeysan, Saldhigga Tareenka ee Al-Haramain ee Al-Rusaifah ee xarumaha Amaanka..

Muwaadiniinta, Dadka Degaanka iyo Socotada soo booqda ee lagu qabto gudaha goobaha Barakeysan ee aan heysan fasaxa xajka ayay Laamaha Amaanka ganaax ahaan u qorsheeyeen lacag dhan (10,000) riyaal ah iyo sidoo kale in la masaafuriin doono kuwa ku nool Sacuudiga ee ku xadgudba lagana mamnuuci doono in ay soo galaan Boqortooyada si waafaqsan muddooyinka sharcigu tilmaamayo.

Dhanka kale Hey’adaha Amaanka ayaa Muwaadiniinta la wadaagay fariimo la xiriira in lagala shaqeeyo soo sheegista kuwa ku xad-gudbaya nidaamka Xajka.

329830cookie-checkSaraakiisha Sacuudiga oo Bilaabay Ganaaxa Dadka aan heysan Fasaxa Xajka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *