Macluumaad lagu qoray Warbaahinta Horn Observer ayaa lagu sheegay In Hogaanka Sare ee Kooxda Shabaabka ay Barwo (Invitation) u direen in badan 70-Maamulayaal ganacsi oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, iyagoo loogu baaqay iney gaaraan degaanada ay Kooxda Shabaabku maamulaan….
Kulankaan ayaa ka dhacay tuulada Basra oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi ka xigta Muqdisho habeennimadii Isniinta. 11-kii May, halkaasoo oo ay kula kulmeen afar Horjooge oo ka tirsan guddiga ururinta Zakada ee Shabaabka.
Inta badan maamulayaasha ganacsi ee la kulmay Kooxda shabaab waxay ka socdeen shirkaddaha qaabilsan soo dejinta iyo dhoofinta, laakiin waxaa jiray milkiileyaal ganacsato yaryar ah oo badidooda ka ganacsada suuqyada Xamarweyne, Bakaaro iyo wadada Maka al-Mukarama.
Sidoo kale Waxaa ka mid ahaa Gadisleyda dharka, maqaayadaha, hoteelada, Farmashiyayaasha, dukaamada waaweyn, dukaamada cuntada Hoosooyinka iyo Qalabka dayactirka Gaadiidka iibiya.
Waxeyna Xogtu tilmaamtay in Qaar kamid ah ay bixiyeen Dhaqaalaha la weydistay, ( Zakada) ama ballanqaaday inay bixin doonaan bishaan gudaheeda, sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade ka soo qeyb galay kulanka oo sababa amni u qariyay magaciisa, Wada hadalada shabaab iyo ganacsatada ayaa qaatay waqti dheer ilaa subixii talaadada, kadib markii qaar kamid ah ganacsatadu ka cawdeen in laga qaado tobanaan kun oo dollar, una baahan yihiin in laga dhimo lacagtaas.
Markii ganacsatada ay ka baxaan magaalada Muqdisho, waxay horeyba diyaar la yihiin lacagtooda. Waxaan qiyaaseynaa 75 Ganacsade ayaa bixiyay intii u dhaxaysay Isniinta ilaa Talaadada toddobaadkan qiyaas ku kacaya USD250,000 ilaa USD350,000 oo gacanta u gashay Kooxda shabaab.
Dhinaca kale hal dukaan dharka lagu iibiyo oo ku yaal Xamarweyne ayaa u xaqiijiyay Horn Observer inuu bixiyay $ 2,500 ka dib wada hadalo dheer.
“Dukaankaygu ma ahan mid weyn laakiin waxay saraakiisha cashuuraha kooxda Shabaab iga codsadeen inaan bixiyo USD4,000. Waxaan bixiyay USD2,500 kadib wadahadalada, “milkiilaha bakhaarka.