Sheekh Shariif Oo Qodobo Dhowr ah Kala Hadlay

Politics

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa wadahadal khadka teleefanka kula yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Danjire Ben Fender…

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa sheegay inay Safiirka ka wada hadleen diyaargarowga loogu jiro Doorashooyinka Qaranka, la dagaalanka Coronavirus, xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo weliba wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa “Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Amb Ben Fender.”

“Waxaan ka hadalnay diyaargarowga doorashada qaranka, la tacaalidda COVID-19, xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.”

“Sidoo kale wadahadalada Somaliya iyo Somaliland oo soo bilowday xilligii aan xafiiska joogay, maantana hakad ku jira ayaan isla soo qaadnay.”

“Ugu dambeentii waxaan isla garanay abuurista jewi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka keliya, ee lagu gaari karo hannaan doorasho oo xor ah.”

32300cookie-checkSheekh Shariif Oo Qodobo Dhowr ah Kala Hadlay