Shilkii Bardaale Oo Kashifay Halista Ciidamada Ethiopia

Politics

Shilkii Diyaaradeed ee Degmada Berdaale ayaa soo shaac bixiyay halista iyo khatar hor leh ee ku gedaaman Ciidamada aan ka tirsaneyn kuwa Amisom Oo ka howlgala si sharci darro ah degaanada iyo Gobolada uu ka kooban yahay Dalka Somalia…..

Madaxweynihii hore ee Somalia aye wax lala yaabo ku tilmaamay in ciidamo Ethiopian ah oo aan ka tirsan AMISOM ay sharci darro ku joogaan qeybo ka mid ah dalka, isagoo Maamulka Villa Somalia iyo Golayaasha Barlamaanka ka dalbaday iney tafaasiil ka bixiyaan….

Hadalka Shiikh Shariif ayaa yimid ka dib markii uu soo baxay qoraal loo diray Taliska ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in diyaarada Afrikan Airweys ay soo rideen ciidamo Ethiopian ah oo la sheegay in aysan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM kuwaasoo joogay degmada Bardaale.

Hoos ka akhriso qoraal uu Shiikh Shariif soo dhigay bartiisa facebook oo arintan looga hadlay:-

Howlgalka nabad ilaalinta Amisom waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda.

Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan.

Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Amisom qaanuun dowli ah oo howlgalkooda xakameeynaya ayaa jira, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad.

Tallaabadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka.

Waxaan ku baaqaynaa in barlamaanka uu qaato doorkiisa korjoogteynta hay’adaha fulinta, wadanka lagu maamulo siyaasad daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan

33180cookie-checkShilkii Bardaale Oo Kashifay Halista Ciidamada Ethiopia