Shirqoolada Laga Maleegayo Villa Somalia..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Shirqoolo laga maleegay Villa Somalia, iyagoo kaashanaya Hogaamiye Kooxeedyo iyo shaqsiyaad qandaraas lagu siiyay sidii xaalad amni darro looga abuuri lahaa Gobolka Mudug..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo uu diyaariyay Qorshe guracan oo khalkhal amni darro iyo isku dir beeleedyo uga fulin lahaa Gobolka Mudug, iyadoo la adeegsanaayo Hogaamiye kooxeedyo (War-lords) iyo shaqsiyaad kale, waxaana kooxahaan loo xil saaray iney khalkhal geliyaan Amaanka Gobolka Mudug.

Qorshahaan ayaa la sheegay in wajigiisa hore la soo Dhameystiray, iyadoo Senator Cabdi Qeybdiid, Adeege Fahad Yasin iyo xubno ka soo jeeda degaanada Puntland, ay wada diyaariyeen Maleeshiyaad hubeysan oo khalkhal geliya Amaanka Gobolka.

Maleeshiyaadkaan ayaa lagu wadaa, sida qorshaha yahay iney la wareegaan Xaafadaha Gaalkacyo Koonfurteeda oo hadda Axmed Xaaf ku shaqeeyo iyo Xaafada Beesha Lelkase ee Waqooyiga Magaalada.

Hore waxaa jirtay digniin ay Puntland ka bixisey Qorshahaan oo la rabo in la geeyo Maleeshiyo hubeysan Magaalada Gaalkacyo,sida uu shaaciyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Qeybta Puntland Maamusho, waxeyna xiligaasi sheegeen inaysan ogolaan doonin sida Maamulka Farmaajo uu wax uwado.

Dhabar jebinta iyo Shirqoolka lala rabo Xaaf iyo Demi ayaana la sheegayaa inay tani qeyb ka tahay iyo damaca Maamulka Farmaajo ay Ciidanka Danab ee Gaalkacyo hadda jooga dhuuso mareeb loo geyn lahaa si amniga Qoor qoor usugi lahaayeen.

19000cookie-checkShirqoolada Laga Maleegayo Villa Somalia..