Sirdoonka Turkiga Oo Saameyn Ku Yeeshay Siideynta

Politics

Waxaa soo shaac baxaaya warbixino ku aadan Qaabka loo soo daayay Caa’isa Alias (Silvia Romano), iyadoo tuhuno badan ay ku gadaaman yihiin Qalabka loo soo daayay, waxaana shaki ku jirin, In Saraakiisha Sirdoonka Talyaaniga loogu geeyay Xarunta Safaarada ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho….

Caa’iisha ayaa 535 maalmood gacanta ugu jirtay Kooxda Shababka, waxeyna ka gateen koox kaligood duul ah, kuwaasoo lagu kala magacaabo Eedeysanayaasha kala ah Ibraahim Omar Wario, Moses Liwali oo xiran iyo Yuusuf Kuno Aadan, Said Aadan Abdi oo aan weli la qaban, waxeyna Eedeysanayaashaan Gabadhaan ka gateen Kooxda Shabaabka, kuwaasoo muddo bil ah ku Hayey keymaha Lamu iyo magaalada Gaarisa.

Kadib Maxa Dhacay:-

Caa’iisha ayaa la sheegay In mudadii ay xirneyd la geeyay ilaa 6- Xabsi oo kala duwan, waxaana laga duubay 3-video oo caddeyn u ah iney nooshahay, waxaana u dambeeyay 17-Jen-2020, iyadoo xuuraanka uu sheegaayo In Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Turkiga (MIT), gacan ka geysteen wada xaajoodka, waxeyna Wakiilo (Murusade Shabaab ah) ka socda Kooxda oo gabadha ku hayay Xabsiga ugu weyn ee Kooxda ku leeyihiin degaanka Buulo fuulay ee Gobolka Bay. Waxey dalbadeen kooxda Shabaabka 1,500,000 US$, waxaana la siiyay 1,200, 0000. US$, waxaana la geeyayay Beer uu leeyahay Ganacsade Xaaji Mire Cusmaan Indhayare (Ex Manifesto Member) oo ku taal Wabiga jiinkiisa degmada Afgooye.

Xogo ayaa Diinah.com u xaqiijiyay In Hey’adda AISA (Sirdoonka Dibeda Talyaaniga) ay Diyaarad ku keeneen 7-Bisha Boorsooyin ay ka buuxaan 2-4 Millions US $ ah, waxaa isweydiin Mudan Yaa qaatay Lacagta ka maqan inta Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka qaateen.

Saraakiisha Sirdoonka Turkiga, Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad ayaa la sheegay iney qaateen lacagaha dheeraadka ah, Adeege Fahad ayaa ah maskaxda ka dambeysa Xiriirka wada hadalka iyo Siideynta Caa’iisha, Waxeyna wada hadalada ka dhaceen beerta Mire Indhayare, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayan In Kooxda Shabaabka loo balanqadaay in deeqdii Daawada ee Turkiga qeytooda la siin doono, Tiro Maxaabiis ah loo siideyn doono dhowaan, waxaana Xogtu tilmaamtay in Adeege Fahad iyo Horjoogayaasha Xuseen Cali Fiidow iyo Cali Dheer ay is hor fadhiisteen.

Howlgal Kan ayaa wuxuu aad uga careysiiyay Saraakiisha Sirdoonada USA iyo UK, iyagoo la sheegay iney ka soo horjeedeen In wada hadalo iyo madax furasho lagu dhameeyo Xaalada Caa’isha, waxeyna uga Digeen Dowlada Talyaaniga iney dhiiri geliyaan Bixinta madax-furashada afduubka.

33610cookie-checkSirdoonka Turkiga Oo Saameyn Ku Yeeshay Siideynta