Siyaasadaha Iyo Xasaradaha Dalalka Geeska Afrika

Politics

Dalalka Geeska Africa waxaa qarnigii ugu dambeeyay ka jira khilaafaad Dhuleed, Siyaasad & Dhaqan-Dhaqaale, kaasoo horseeday dagaalo lagu hoobtay Oo ilaa xiligaan aan laga gaarin xal waara iyo nabad ku wada noolaasho Bulshada Dalalkaasi ku nool..

Khilaafyada Jira waxaa abuuray gumeestihii cadaanka ahaa, Hadda waxaa jirto dagaal dhaqaalo & isbalaaran awoodeed taaso kasocota Wadamada Geeska Africa, Ethiopia, Sudan, Masar , Eritrea , Djibouti, Kenya & Somalia.

Waxaana daaha gadaashiisa ka riixaya dowlado dano siyaasadeed iyo mid dhaqaalo ka leh Gobolka Geeska Africa, Kuwaasoo xal u arka inuu Gobolku xasilin, waxaana Hormuud u ah Dowladaha Qatar, Turkey & Russia oo isku dhaw fikirka sida loo wajahayo siyaasada Geeska Africa oo dhinac ah & Dowladaha USA, UAE, Saudi Arabia, Masar  & Sudan oo iyana dhinac ah.

Sido kale waxaa jiro dowlado kale oo iyana sameen adag ku leh siyaasada Geeska Africa kuwaaso ah Midowga Yurub, Ingiriiska & Mareykanka, iyagana waxaa kasoo horjeeda fikir ahaan Siyaasada Shiinaha ee ku dhisan wax wada qabsi iyo maalgalin.

Dhaqdhaqaaq iska soo horjeeda ee kasocoto Gobolka Geeska Africa, waxey dab ku sii shiday kacsanaanta Siyaasada waxaana kaalmaha hore kaga jiro Somalia wadamada Khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray, markii laga tago dowladaha Liibiya, Siria & Yemen oo iyana dagaalka Siyaasadeed uu sameeyay.

Doodaha Taagan & Figradaha isdiidan ee Gobolka Geeska Africa.

Gobolka geeska Africa markii la qiimeeynaayo waxaa Saldhig u ah qaska siyaasadeed waa.

  1. Wabiga Nile
  2. Maalgashiga Turkey ee Sudaan & Libya
  3. Dakadaha Soomaaliya, Djibuti & Eritrea.
  4. Urur Diimeed aaminsan Jihaad siyaasadeed 
  5. Xuduudaha dhuleed uu gumeeystaha Calaamadeeyay.
  6. Quwadaha waaweyn ee caalamka oo mid walba dhisa ama maal galiyo dhaqdhaqaaq hubeysan, ama Siyaasadeesan si midba midka kale uu ka saaro aaga ayku muransan yihiin.

Dhibaatada Somalia heysata waxaa saldhig u ah Qodobada aan kor kusoo sheegnay, Shacbiga Soomaaliyeed ayaa is-weydiinaya Maxaa xal looga gaari la’yahay Dhibaatada daba dheeraatay ee 30-sano jirka noqotay.

-Waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah, maxey isku dilayaan?

-Qabaa’iilada Somalida waa isdhaxgalaan, waa wada noolyihiin, waana isguursadaan , hadaba waa maxay dagaalka aan dhamaan ee lagu sheego dagaal Qabiil?

-Dadka Soomaaliyeed waa dad wada muslim ah leh hal caqiido oo suni wada heesto maxeey masaajida isku dilaan ama isku qarxiyaan.

Baaris cilmiyeed ayaa lagu qeexay inXalada Siyaasada ee Somalia mashkiladeeda ineysan aheyn Shacbiga oo ay tahay Dano Caalami oo isdiidan kuwaasoo Shaqsiyaad u adeega ay mooro ku xirteen Masiirka Shacbiga.

Maamulka Dooxa oo gacan ka heleysa Ethiopia waxey daaha gadaashiisa ka hagaan.

-Kooxda Shabaabka

-Dowlada uu Hogaamiyo  Madaxweyne Farmaajo.

Danaha laga leeyahay.

  1. In gacanta lagu dhigo heshiiyada Kheyraadka Somalia.
  2. In gacanta lagu dhigo Hoggaanka Dowlada.
  3. In laga faa’ideysto dekadaha Somalia iyadoo kula dagaalameyso Dowladaha Khaliijka.

Dowlada Qatar inta aysan maalgalin Doorashada Mr.Farmaajo waxey daraasad kusameeysay labada dowladood Kenya & Ethiopia.

Dowlada Qatar ayaa heshiiyo qarsoon horay ula gashay dowladaha Kenya & Ethiopia sidee u tageeran musharaxnimada Madaxweyne Farmaajo balse markii la guuleystay qiimeynteedii gaarka ah waxaa usoo baxay iney doorato fulinta Heshiiskii ay la gashay Ethiopia.

 Mr.Farmaajo inuusan daacad u ahayn danaha qaranka waxaa kaaga markhaati ah eryida Dowlada Imaraadka oo Sanad walbo ku bixin jirtay 400 Milyan US$, Mashaariicda hormarineed ee ka waday Somalia, sidoo kale dowlada imaraatka si maalin la ah 1000 bukaan oo soomaali ah ayaa lasiin jiray latalin caafimaad iyo daaweyn bilaash ah.

34830cookie-checkSiyaasadaha Iyo Xasaradaha Dalalka Geeska Afrika