Somali Ku Go’doonsan Liibiya Oo Laga Deyriyay Xaaladooda.

Politics

Waxaa laga soo sheegaya Dhibaaatooyin xoogan oo xagga nolosha iyo Amaanka oo la soo deristay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsan Magaalada Tripoli ee Xarunta Libya, oo tan iyo Talaadadii ay dagaalo qaraar ka soconayan…

Dagaalka oo markii hore ka socday hareeraha magaalada ayaa hadda ku fiday Bartamaha Caasimadda Tripoli, iyadoona ay xaalad adag la soo deristay dadkii ku noollaa magaaladaasi.

Xoogaga u daacadda ah General Khalifa Haftar ayaa ka soo gudbay daafacyadii hore ee Ciidamada Dowladda Qaramada Midoobey aqoonsan tahay, iyagoona u muuqdo in ay dagaalka kaga gacan sareeyan.

Safiirka Somaliya ee Libya, Danjire Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in dagaalo qaraar ay maalmihii ugu dambeeyay ka socdeen Magaalada Tripoli, iyadoo uu xusay in xaaladda magaalada ay tahay mid cakiran.

Isagoo la hadlayay VOA, waxna laga weydiiyay walwalka ay ka qabaan Soomaalida ku sugan Magaalada Tripoli ee ujeedadoodu tahay in ay Yurub uga sii gudbaan ayaa wuxuu sheegay in walwal xoogan ay ka qabaan xaaladda ay wajahayan.

“Waxaan ka qabnaa walwal aanan la seexan habeen iyo maalinba, xaaladda ka-daroo dibi dhal bay mareysaa, wixii ay Soomaalidu dhihi jireen. Berrigii hore waxaa laga hadli jiray tahriib, doon degatay iyo Magafaa haysto, laakiin hadda dagaal culus baa socda.” Ayuu yiri Danjiraha.

Su’aal ahayd waxa amni ahaan ay dareemayan Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradda ka hawlgala ayuu tibaaxay in amnigooda uu kaga daran yahay marxaladda, ay ku sugan yihiin Soomaalida kale ee magaalada ku xaniban.

“Runta markaan kuu sheego xaaladda aad iyo aad bay u adag tahay, anaga waxa ugu horeeyo aan samayn karno waxay tahay dowladda inaan la xiriirno, oo aan gaarsiino, marka dowladdiina oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku meteleynay wasaaraddii waan gaarsiinay, wayna la socotaa xaaladda adag ee halkaan nagu haysato, laakiin anaga lafaheena oo keliya uma baqayno, anaga dhawr qof baa nahay ee waxaan u baqaynaa Soomaalida kale ee muhaajiriinta ah ee dac-dareysan ee masaakiinta ah, dhibaatadii awal haysatay mid ka sii laba jibaaran inay ku dhacdo ayaan aad iyo aad uga cabsi qabnaa.” Ayuu yiri Danjire Kaalmooy.

23240cookie-checkSomali Ku Go’doonsan Liibiya Oo Laga Deyriyay Xaaladooda.