Soomaali Dukaamadoodii Ganacsiga lagu Boobay Dalka Mozambique & Sababta..

Africa News Security

Wararka naga soo gaaraya Dalka Mozambique ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool Magaalooyinka iyo Tuulooyinka dalkaasi iney la kulmeen Dhac Bililiqo iyo Boob oo loo geysatay meheradahoodii ganacsiga, kadib markii ay dhaceen Banaanbaxyo Rabshado wata..

Wararka ayaa sheegaya in Dhaca iyo Boobka loo geystay Meheradaha Ganacsi ee Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa yimid kadib markii ay sii xoogeysteen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan Taageerayaasha Mucaaradka oo kasoo horjeeda natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday 9-kii bishii Oktobar ee Sanadkaan.

Magaalooyinka sida weyn loogu boobay xarumaha ganacsiga ee Soomaalida waxaa ka mid ah magaalada Maputo oo ah Caasimadda iyo magaalada kale ee Nampula, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay xubin ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi, Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac oo ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Nampula ayaa sheegay in baqaar uu halkaasi ku lahaa la jabsaday, islamarkaana laga qaatay wixii yaalay.

Xaalada dalka Mozambique ayaa marna marka ka dambeysa sii xumaan hayso waxaana Ajaanibta ku nool Dalkaasi oo Soomaalidu ay ka mid tahay ay wajahayaan cabsi ku aadan in dhibaato intaan kasii badan loo gaysto hadii rabshaduhu ay sii socdaan.

354570cookie-checkSoomaali Dukaamadoodii Ganacsiga lagu Boobay Dalka Mozambique & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *