Su’aalo Laga Keenay Dib U Dhigida Dacwada Badda

Politics

Sida aan ku xusay warbixinadii Hore Ee ka hadleysay Dawcada Badda Soomaaliya & Kenya ee hor taala maxkamada caalamiga ICJ, taasoo saddex jeer kiiska dacwada dib loodhigay, arrinta ugu cajiibsan ayaa ah Sida loo doortay Madaxweyne Farmaajo hal marna lama dhageeysan Kiiska bada ee yaalo ICJ….

Daacad Ma laga Yahay Dacwada Badda

Waxaan ku eegeynaa Warbixintaan maxaa kalifay in tiro 3 jeer looga guukeysto Somalia Dawcada Badda ee Maxkamada Caalamiga ICJ isla markaasna dib loodhigay, soo jeedimaha Kenya ay ku codsaneysay dib u dhigista kiiska Badda mase hortagi karay?.

  1. Maamulka Farmaajo wuxuu dhaqaalihii ka goostay Qareenadii daafacayay Somalia.
  2. Wuxuu kala diray Qareenadii khibrada lahaa ee difaacayay Somalia
  3. Wuxuu hoos udhigay muhiimada ay Somalia u leedahay Dacwada bada.

Heshiis Hoose miyaa Jira Oo Dacwada Ku Aadan:-

Madaxweyne Farmaajo oo wadaxajood kula jira Kenya ayaa usoo bandhigay hishiisyo aad u halis badan taaso uu rabo in laba qodob ay fuliso Kenya kadibna uu dib usoo celinaayo kiiska dacwada bada ee yaala maxkamada caalamiga ICJ.

  1. In Kenya ay taageerto dooraashada dib usoo noqoshada Madaxweyne Farmaajo sida taageeradii ay u fudisay hore.
  2. In Kenya ay burburiso Maamulka Ahmed Madoobe isla markaasna ay kismaayo geeso musharaxa uu wato Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada Kenya labada qodob uusoo jeediyay waxey ku xirtay Shuruudo adag maadama horay hishiis 3 geesood oo ay wadagaleen Kenya, Qatar & Somalia looga baxay.

  1. In Maamulka uu Wakhtiga ku lumiyo Dib u dhigida Dacwada, maadama Qareenada ay Kenya ka horistaageen soo jeedinteeda ah in kiiskan lagu xaliyo meel kabaxsan Maxkamada.
  2. In dib looso celiyo Kiiska bada ee hor yaala Maxkamada Caalamiga ICJ taaso Kenya fursad usiineyso sheegashadeeda biya badeedka Soomaaliya.
  3. In Shacbiga Soomaaliyeed lagu maaweeliyo Ka been sheegida Dawcada.

Mr.Farmaajo iyo La-taliyayaashiisa ayaa go’aansaday iney Maamulka ka dooran doono 2021-ka uu go’aan ka gaaro Dawcada Badda, waxeyna Talaabadaani ay muujineysaa inuusan daacad ka aheyn arrintaan kadib inta uu joogay uu dalka katalinayay hal marna lama dhageeysan Kiiska Dacwada Somalia & Kenya, arrintaas oo ku timid kutalagalkiisa in heerkaan lasoogaaro.

35430cookie-checkSu’aalo Laga Keenay Dib U Dhigida Dacwada Badda