Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta ayaa shaqada looga joojiyay Tafatirihii SNTV, kadib markii dusha Loo saaray mas’uuliyada Qoraal xayeeysiin ah oo xad-gudub ku ah Gabadhaha…
Qoraalka ayaa lagu xusay inuu qirasho uu sameeyay Tafatiraha SNTV, isla markaasna uu qaatay Mas’uuliyada qoraal xayeeysiis ah oo Caro abuurtay lana baahiyay, Idhehdaan (Qoraalka) ayaa lagu tilmaamay mid Ku jireen “eryo Faquuq ah” iyadoo la baadi goobaayay Gabdho Wariyayaal ah.
“Tafatire Feysal Muuse Maxamed ayaa xilka laga qaaday kadib markii ay ku caddaatay inuu qirtay warqad loogada Agaasimaha TV leh oo ay ku qoran yihiin eryo aan munaasib aheyn isla markaasna uusan la ogeyn Agaasimahii Xafiiska” ayaa lagu sheegay Qoraalka.
Dhanka kale Mr.Feysal ayaa bartiisa bulshada soo dhigay inuu iska casilay xilkii tafatiraha SNTV, kadib is-faham waay xagga shaqada ah, wuxuuna beeniyay inuu qiraal qirasho ah uu sameeyay.
Murankaan ayaa soo shaac baxay xili Saraakiisha Warfaafinta ee Maamulka Farmaajo ay cudurdaar ka bixiyeen gefka dhacay, iyagoo balanqaaday iney anshax marin doonaan cid kasta oo ku lug laheyd khaladkaasi.