Talooyin Loo Gudbiyay Madaxtooyada

Politics

Kulan ay yeesheen Gudiga ka kooban 25 Xubnood kana soo jeeda Beesha Baha-Darood oo kala taliya Siyaasada Arrimaha Gudaha Madaxweynaha, ayaa looga dooday qodobo badan oo khuseeya Xaalada Amniga Siyaasada,Abaabulka Dhalinyarada iyo Dhaqalaha…

Gudigaan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Mr.Maxamed Cabdi Yuusuf waxayna kala taliyaan Madaxweynaha Arimaha Qaaska ah oo quseeya sidii beesha ay dalkan ugu talin laheyd iyo jahada loo jiheenaya Siyaasada, Dhaqaalaha, Abaabulka Dhalinyarada iyo Qodobo kale.

Gudigaan Beesha Baha-Daarood ayaa u soo Madaxweynaha in xilka laga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana Duqa magalada Muqdiaho Cumar Fiinsh, kadib markii uu ka gaabiyay Howlihii Loo igmaday, waxeyna ku eedeeyeen inuu ku fashilmay inuu Mucaaradka Dowlada uu adeegsado Dhaqaalaha Gobolka iyo inuu Ka gaabiyay in Dhalinyarada Jufadiisa uu ku soo biiriyo Xoogaga Wadaniyiinta.

Waxeyna Guddiga talo ugu soo jeediyeen Mr.Farmaajo in Xilkaasi loo magacaabo Wasiirka Amniga ama Mr.Muungaab horay u soo Noqday Duqa magaalada Muqdisho, iyagoo Ku sababeeyay Xubnahaan iney yihiin kuwo karti leh una nihil talooyinka Gudigga iyo Madaxtooyada.

35090cookie-checkTalooyin Loo Gudbiyay Madaxtooyada