Tiro Dabley Ah Oo Miino Kula Qaraxday

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya tiro Dabley ah oo ka tirsan Kooxda Shabaab, isla markaasna waday iney waxyaabaha Qarxa ku aasaayay Magaalada Muqdisho ayaa dhimasho & dhaawac ku noqday Qaraxii ay aasayeen….

Raggaan oo Saddex nin gaaraya ayaa ninkii aasaayay waxyaabaha Qarxa wuxuu ku dhintay goobtii, halka labadii kale mid dhaawiciisa uu yahay mid liita, halka ruux kalena dhaawac fudud uu soo gaaray.

Saddexdaan nin ayaa waxyaabaha Qarxa waxa ay ku aasayeen Isgoyska SoS ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa durbadiiba goobtaasi inay gaareen Xoogaga ammaanka, Iyadoo lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo labadii nin ee dhaawaca ahaa, iyadoo kan liitay dhaawiciisa loo qaaday Isbitaalka si loo daaweeyo.

Raggaan ayaa waxaa la wareegay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya si macluumaad looga helo, waxaana lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaallo Muqdisho.

Shabaab ayaa waxa ay ka faa,iideystaan xilliyada habeenkii oo wadooyinka Magaalada ay ku aasaan waxyaabaha Qarxa, si dadka ay ugu dhibaateeyaan.

28950cookie-checkTiro Dabley Ah Oo Miino Kula Qaraxday