Tiro Haween Ah Oo Laga Qabqabtay Boondheere

Politics

Howlgalo ay Wadajir u fuliyeen Xoogaga amaanka (Boliis iyo NISA) ayeey agagaarka gurigeeda oo ku yaalla degmada Boondheere kala baxeen tiro Haween ah, ayna Hormuud u aheyd Luul Caanooleey, taasoo ay dadka degaanka aad u yaqaanaan,…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamay in Haweeneydaan ayaa caan ka aheyd Xaafadda Maanaboolyo, gaar ahaan dhinaca Boondheere iyo waliba Shibis. Dadka degaanka ayaa sheegay in laba arrin ay caan ku aheyd kuwaas oo kala ah.

–Waxay aheyd Haweeney heysata tiro dhowr neef oo Lo’ ah, iyadoo Maalin iyo habeen xaafadaha ka qaadi jirtay raashinka la soo reebo si ay usiiso xoolaha u xareysan.

-Waa Sheeko badan oo furfuran kuna wanaagsan isku xirka Bulshada

Ciidamada ayaa markii ay ka xeesteen Luul, kadib waxay dib ugu soo laabteen gurigeeda iyagoo muddo saacado ah baarayay. Warar kale ayaa sheegaya in haween kale oo lala xiray la sii daayay.

Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigeeda basle waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee dadka degaanka. Boondheere waxaa aad ugu badan dadka saqda dhaxe ay ciidamada guryahooda u dhacaan kadibna ay soo xiraan.

34640cookie-checkTiro Haween Ah Oo Laga Qabqabtay Boondheere