Share the post "Trump oo Dalkiisa ka saaraya Xubinimada Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO & Sababta.."
Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qalinka ku duugay go’aan uu Dalkiisa kaga saarayo Ururka Caafimaadka Adduunka, kaasoo uu ku dhaliilay sida ay wax uga qabatay cudurkii coronavirus, iyo iney Aduunka u horseedeen iney ka gaabiyeen iney Joojiyaan Cudurka Covid-ka..
Trump ayaa markii uu saxiixayay qaraarkan sheegay in ururku uu ku guul daraystay in uu si madax banaan u dhaqmo oo uu ka fogaado “saamaynta siyaasadeed” ee xubnahooda, isagoo xusay in ay Maraykanka ka dalbanayaan lacag aan cadaalad ahayn oo aan la jaan qaadi karin qadarka ay bixiyaan Dalal kale oo waaweyn, sida China.
Trump ayaa sidoo kale Hogaanka Ururka Caafimaadka Adduunka ku eedeeyay “khiyaano”, wuxuuna si dadban u xusay in Hantilayaal USA iyo Europe ka soo jeeda ay macaash badan ka sameeyeen noocyada Talaalada looga hortagaayo Cudurkaan oo si qasab ah Aduunka loogu iib geeyay haatana Dad badan ay dhibaato ka doo gaartay kuwo kalena ay u geeriyoodeen.