Wabaahinta Erdogaan Oo La Lagu Eedeeyay Fara-gelin

Politics

Wargeyska Daily Sabah oo ka mid ah Warbaahinta Dowliga ee Maamulka Ankara ayaa Warbixin uu ka qoray Agab Caafimaad uu Turkey ka dejiyay Magaalada Hargeysa, ugu gefay Midnimada Qaranimada Somalia…

Faalo ay Horjoogayaasha Wargeyska ka qoreen Deeqdaasi ku tilmaamay “dal” Maamulka gooni goosadka ee Somaliland, Talaabadaan oo meel kac ku ah Wadajirka iyo Madaxbabaanida Somalia, gefkaasi uu ku kacay Maamulka Wargeyska xili uu wareysi ka qaadayay Wasiirka Caafimaad ee Maamulka Muuse Biixi,

Maamulada Ankara iyo Dooxa ayaa xulafo la ah kan Villa Somalia, iyagoo ka taageera Qeybaha Dhaqaalaha, Tababarka Ciidamada iyo mid siyaasadeed, waxaase ayaan darro ah in Maamulka Farmaajo aysan weli ka hadlin gefkaasi, iyadoo xiriiro la la sameeyay Saraakiisha Arrimaha Dibada ay ka jawaabi waayeen wicitaanka.

28550cookie-checkWabaahinta Erdogaan Oo La Lagu Eedeeyay Fara-gelin