Wakiilada Beesha Caalamka oo ku Kala Aragti duwanaaday Gogosha Madaxtooyada Fidisay..

Politics Security Somalia news

Wararka laga helaayo Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ee ku midaysan C6+ ay kulan ka yeesheen Xarunta Xalane, waxayna ka wada doodeen Xaaladaha siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Dalka iyo sida gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh looga falcelin lahaa…

Xuurano la helay ayaa xaqiijinaaya in Kooxdaan loo yaqaano Beesha 6-aad oo kulan dood ah ka yeeshay Gogosha ay fidisay Villa Somalia sida ay u arkaan Martiqaadka, waxaana la sheegay inta lagu guda jiray doodaha in Danjiraha USA, Kan UK iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ay muujiyeen in Madaxweyne Xasan uusan si dhab ah uga jawaabin culeyska jira, uuna ka muuqdo cagajiid iyo niyad sami la’aan.

Halka Wakiilka EU-da iyo tiro Dalal dhowr ah ay oo aragti gedisan Wakiilada Dalalka kor ku xusan, ku darsoo waxaa dhawrkii kulan ee u dambeeyay aan shirarkan ka qeybgalin Danjiraha Dowlada Turkiya, Danjiraha USA ayaa eedeyn u jeediyay Mr.Xasan Sheekh inuu jahwareer cusub ku soo kordhiyay iyo Jiho la’aan horseedina karta inuusan miro dhal noqon Dadaaladaan hadii aan isbedel deg deg ah la imaanin Hogaanka Villa Somalia.

Wakiilka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo in ka badan 30 sano siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyay dalka Somalia ayaa isagana la qaba fikirka Mareykanka balse waxaa ka muuqatay dabacsanaan iyo isku jiidjiid labada dhinac ah in la sameeyo, Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson ayaa tilmaantay in shaqada ergooyinka caalamka ee Somalia aysan ahayn inay horboodaan Wakiilada Fowladaha, waxayna si qayaxan ugu celcelisay in hawshaas loo daayo Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa wajahaysa culeys saddex dhinacle ah oo ka imaanaya Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo mideysa siyaasiyiin uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ergada Xalane ee Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka gacan haatinaya Kampala, haddii natiijo wax ku ool ah ay kasoo bixi wayso gogosha haatan la iclaamiyay.

375540cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka oo ku Kala Aragti duwanaaday Gogosha Madaxtooyada Fidisay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *