Warar Dheeraad oo laga Helaayo Weerar Khasaare Geystay oo ka Dhacay Degaanada Wawooyi-Bari Kenya

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dhabagal ah oo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shababka ay ku qaadeen Kolanyo ka tirsan Ciidamada Boliiska Kenya oo ku safraayay Duuleedka magaalada Gaarisa ee Degaanada Soomaalida Kenya…

Dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay Degaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaasi Maleeshiyaadka kooxda argagixisada iyo Ciidamada Boliiska ku dhexmaray is-rasaaseyn xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah, iyadoo ay soo baxaayaan khasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay rasmiga ah.

Weerarkaan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro kooxdu ay inta badan ka geysato Degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku beegsadeen ciidamada Kenya ee Boliiska iyo kuwa Milateriga marka ay ku socdaalayaan deegaanada gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, 2-maalmood ka hor heshiis ay wada gaareen Kenya & USA ay ku ogholaanayaan Kenya in Degaanka Wajer ay Fariisimo ka dhistaan Ciidamada Mareykanka oo hadda ku leh Tiro yar oo Farsamo yaqaano ku howl gala Drones.

328550cookie-checkWarar Dheeraad oo laga Helaayo Weerar Khasaare Geystay oo ka Dhacay Degaanada Wawooyi-Bari Kenya