Wariyayaal Jir-dil Loogu Geystay Magaalada Muqdisho

Politics

Weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii lagu jirdilay af Aaf ka hore ee xarunta degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir….

Weriye Safiyo Cismaan Cabdulle oo ka tirsan TV-ga iyo Idaacadda Shabelle iyo Cameraman lasocday ayaa la sheegay inuu gacan qaaday guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka degmada Waaberi, iyadoo uu dhaawac gaarsiiyey, markii uu dhagax la dhacay, kadibna waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada, sida ay sheegtay idaacadda Shabelle.

Shaqsiga Tacadiga geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Rooble oo ah Guddoomiye Waaxeedka October, ayaa la sheegay inuu madaxa dhagax kaga dhuftay Gabadha Wariyaha ah.

Sidoo kale Wiilkii Cameromanka ah ayaa waxaa isugu tagay oo garaacay laba ruux oo lagu kala magacaabo Abdulaahi oo ah Guddoomiye Waaxeedka laanta Jabuuti & Guddoomiye Waaxeedka 26 June oo lagu magacaabo Cabdi Kariin Cali Wardheere.

Qalabkii ay ku shaqeynayeen Suxufiyiintaan ayaa waxaa ka qaatay raggii jirdilka u gaystay, waxaana halkaasi laga qaaday oo Isbitaal la geeyay Gabadha Saxafiyada ah ee madaxa dhagaxa looga dhuftay.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo shalay Suxufiyiinta Muqdisho ay ka cabanayeen jirdil, xarig & handadaad ay ku kacaan madax ka tirsan Maamulka Farmaajo oo dhibaato u gaysta Suxufiyiinta.

31800cookie-checkWariyayaal Jir-dil Loogu Geystay Magaalada Muqdisho