Wasiir Beyle Oo Lagu Eedeeyay Eex..

Politics


Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Farmaajo  ayaa heshiis kula galay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka adduun dhan 300-US$, si Xafiisyada Maaliyada USA, kuwa IMF iyo World Bank galaangal iyo saameyn ugu yeelan lahaa.

Shirkaddan ayaa ka gacan-siineysa Wasiir Beyle sidii loo ilaalin lahaa sumcaddiisa isla markaana loo wanaajin lahaa xiriirka Dowladda Mareykanka iyo Wasaaradda Maaliyadda. Wasiir Beyle oo haysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu maxkamadeyn karaa boobka iyo musuqmaasuqa uu ka wado dalka Somalia, isla markaana laga caawiyo sidii uu u qarin lahaa lacagaha canshuuraha ee laga rabo sanad walba muwaadinka Mareynka ah.

Wasiir Beyle ayaa ka dhistay magaalada Hargeysa daar dhererkeedu yahay lix dabaq taasoo lagu dhisay lacagta Soomaaliya loo siiyo caawimada, iyadoo Gud. Bangiga Dhexe ay ku eedeysay Wasiir Beyle in lacago mucaawino ah oo dhan $20 Milyan aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay taasoo uu sheegay Wasiir Beyle in ay ku jirto koonto dibadda ah.

Waxaa sidoo kale Wasiir Beyle uu ka dhigay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda Gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Hibo Beyle, isla markaana ku magacaaban La Taliyaha Xafiiska RW Kheyre, taasoo ay laba mushaar ka qaadato Dowladda Federaalka ah.

Wasiir Beyle ayaa ka shaqaaleysiiyay Xafiisyada PM-ka iyo Kan Maaliyada wiilal ay isku jifo yihiin Wasaaradda Maaliyadda kuwaasoo seddex Mushaar ka qaadanayay dowladda, Qaramada Midoobay iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

18510cookie-checkWasiir Beyle Oo Lagu Eedeeyay Eex..