Xaafada Daaru-Salaam Oo Degmo Loo Ololeynaayo

Politics

Warbixino hoose ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Benadir uu wado qorsha looga dhigaayo Degmo Xaafada Daarasalaam oo ku taal duleedka Magaalada Muqdisho dhinac Balcad…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in magacaabista Degmada Darasalaam ayaa waxaa wada abaabulkeeda Xubno ka tirsan Dowlada iyo Ganacsato, kuwaasoo ka soo kala jeeda Muqdisho iyo Gobolada dhexe, waxeyna Xubnahaan dadaal ugu sidii ay culeys ugu saari lahaayeen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benadir iney oggolaadaan Qorshahaan,bacdamaa ay dhaqaale ay ku maareyso ay degaanku ay hayaan.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Xafiiska Wasiirka 1-aad oo aad uga soo horjeeda qorshahaan ayaa sidoo kale bilaabay in u ololeeyaan sidii Xaafada Gubta ay Dagmo noqon laheyn, inkastoo Xaafadaan ay ka tirsan tahay Degmada Dayniile, isla markaasna aysan jirin dhaqaale ay isku maareyso.

35710cookie-checkXaafada Daaru-Salaam Oo Degmo Loo Ololeynaayo