Xaalada Amaan Ee Somalia Oo Laga Deyriyay

Politics

Kadib markii 3,5 Sano ee ugu dambeysay ay si aan laga fiirsan Danjiraha USA ugu taageeray Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, Isla markaasna ka baaqsaday iney xakameeyaan ayaa hadda Maamulka Washington soo saareen Amaro ah in shaqaalihii safaarada iyo Ciidamada ka jooga dalka, iney isku diyaariyaan ay ka baxaan Somaliagaar ahaan magaalada Muqdisho….

Safaarada ayaa todobaadkii tagay Muwaadiniintooda ugala baxay Somalia, Talaabadaan ayaa Soo baxeysa kadib markii qiimeyn iyo daraasad lagu sameeyay xaalada Siyaasadeed iyo amni Ee Somalia ayaa u soo baxday in Dalka uu u jiheystay dagaalo sokeeye iyo in burbur uu qarka u saaran yahay Nidaamkii dhibka lagu dhisay 2006-dii.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in sida qorshe yahay todobaadyada soo socda waxaa gabi ahaanba ka bixi doonaSomalia Diblomaasiyiinta dalalka, Kenya, Talyaaniga, Masar, France, iyadoo xuuraanka Sirdoonada ay ka digeen in sirdoonka dalalka caalamka  ay muuqato ifafaalo ah in Dalka uu dagaal sookeeye ka dhacayo, taas oo khatar ku ah muwaadiniintooda ku sugan dalka Somalia.

Maamulka Villa Somalia ayaa ka codsaday Taliska Oromada iney 3000-5000 Ciidamo ah u soo diraan Magaalada Muqdisho, waxeyna doonayaan iney ku ilaaliyaan Magaalada, Talaabadaan oo ah mid sii hurineysa xaalada xiligaan taagan, Dadka ku dhaqan Muqdishu ayaa horay dagaal wada jira ugu qaaday ciidankii Ethiopia ee la doonayay in dalka lagu qabsado, waxaana laga digay in khalad kale la galo.

35270cookie-checkXaalada Amaan Ee Somalia Oo Laga Deyriyay