Xiisadaha Xadka Oo Cabsi Ku Abuurtay Dadka Rayidka Ah..

Politics

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad u kordhay abaabulka iyo colaadaha dib uga soo cusboonaaday Degaanada Mandheera iyo B/Xaawo ee Kenya iyo Somalia…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dadka rayidka ah intii ku hartay ay bilaabeen iney u kala qaxaan Degaanada kale ee ku dhow labada degmo, iyadoo Ciidamo aad u tiro badan iyo Noocyada kala duwan ee Gaadiidka dagaalka la geeyay furunaha hore.

Dowlada Kenya ayaa la sheegay in diyaaradaheeda dagaalka (F5) ayaa gelinkii dambe ee shalay dulmaray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, taasoo baqdin ku abuurtay dadka rayidka ah, Sidoo kale Diyaaradaha drones-ka ayaa dul heehaabaya hawada B/Xaawo.

Diyaaradahan oo loo maleynayo in ay ka soo kicitameen Saldhiga Militariga Kenya ku leeyahay Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa maalmahaan lagu arkaayay iyagoo ku duulaya hawada Degmada Beled Xaawo.

Sidoo kale Maamulka Farmaajo ayaa la sheegay intii badneyd Ciidamadii Degmooyinka Garbaharey,Baardheere iyo Luuq ku soo daabushay duleedka degmada B/Xaawo, Halka Ciidamo badan oo gurmad ah kana socda Maamulka Jubbaland ay soo gaareen duleedka Magaalada B/Xaawo.

22280cookie-checkXiisadaha Xadka Oo Cabsi Ku Abuurtay Dadka Rayidka Ah..