Xiisado Ka Dhashay Sarkaal Ay Isku Dhaceen…

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Khilaaf ka dhashay Sarkaal ay isku dhaceen Mr.Xasan Kheyre oo sameeyay iskuday ah in uu shaqada ka joojiyay, kaasoo lagu magacaabo Gaanshaanle Sare Maxamed Dahir oo Madax ka ahaa Laanta Socotada Boliiska…

Xiisadaan ayaa la sheegay iney ka soo bilaabatay kadib markii uu sarkaalka uu amaro dul dhigay Ilaalada Mr.Kheyre oo Shacbi iyo Askar si ka baxsan sharciga iyo Nidaamka ula dhaqmeen, wuxuuna Mr.Kheyre ku amray in la xiro sarkaalka Maxkamadna la soo taago, taasoo uu ka biyo diiday Sarkaalka.

Hadaba maxaa Dhacay:-

Xogo rasmi ah ayaa sheegaya in Mr.Maxamed Daahir uu Ciidamo (300) Daacad u ah oo uu ku uruursaday Xerooyinka Odweyne (Ex-Guuto 2-aad) iyo Guulwadayaasha, wuxuuna sheegay inuu iska difaaci doono weerar kasta oo kaga yimaada Maleeshiyaadka Beesha Wasiirka 1-aad oo iyaguna abaabul ka wada degaanka Dayniile.

Dhanka kale beesha Saleemaan oo uu ka soo jeedo taliye Maxamed Dahir ayaa u sheegay Farmaajo in aan Ciidanka loo isticmaalin karin aargoosaasho qabiil, dhibka ka dhasha qorshaha Xasan Kheyre-na uu mas’uuliyadded isaga qaadi doono.

Xasan Kheyre ayaa dagaal beeleed kula jira hogaanka Ciidamada. Waxa horay dhaqan xumida Xasan Kheyre ka soo dacwooday taliyaha Ciidanka Janaraal Odowaa, isagoo Gabar kaaliye u ah lagu eedeeyay iney Arrimaha Ciidamada ay kala wareegtay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka.

21570cookie-checkXiisado Ka Dhashay Sarkaal Ay Isku Dhaceen…