Xil Ka Qaadista Boliiska Gobolka Oo Lagu Heshiin Waayay

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Muran iyo is-maand haag uu ka dhashay in Xilka laga wareejiyo Madaxa Boliiska Gobolka Benadir, Oo bilihii u dambeeyay gaabis ku jiray, kadib cadaadis xoogan oo Madaxtooyada kaga yimid..

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Xilka Madaxa Boliiska Gobolka Benadir (Sadiq John) uu in muddo ah muran galay, kadib markii Xafiiska Madaxtooyada ay dhaliileen wax-qabadkiisa,waxaana loo soo jeediyay Wasiirka 1-aad Xasan Cali Kheyre, in la bedelo, wuuna ku gacan seyray.

Mr.Farmaajo ayaa Ra’iisal wasaarahihiisa la wadaagay warbixin hanaan cusub oo lagu wajihi karo sugida amniga Muqdisho, kaasoo uu ka helay Khubaro dhanka amniga ah, waxaana doodaan diirada lagu saaray in isbedel lagu sameeyo Taliyaha Boliiska gobolka Banaadir, Talaabadaan oo sahleysa in si guud loo sugo amniga caasimadda oo doorasho ku soo fool leh.

Saadaq Joon ayaa xiriir iyo xulufada dhow la ah Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isagoona fuliya amarada Xafiiskiisa ka soo baxa iyo Howlaha la xiriira Amniga iyo Nabadgelyada, iyadoo Adeege Fahad iyo Horjooge Xijaar ay isbaheysi la yihiin Mr.Farmaajo.

36770cookie-checkXil Ka Qaadista Boliiska Gobolka Oo Lagu Heshiin Waayay