Xildhibaano Xil U Doontay Galmudug

Politics

Macluumaad hordhaca ayaa muujinaaya in Xildhibaanada Axmed Macalin Fiqi iyo saabir Nuur Shuuriye ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay ka Tanaasuleen xubinimadii golahaasi, kadib markii jago laga siiyay Maamulka Dhuusa mareeb…

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.con in sababta ugu weyn ee 2-Daan Xildhibaan uga tageen xubinimadii hay’ada Sharci dajinta ay tahay sidii ay kaalin muuqata ugu qaadan lahaayeen dadaalada lagu doonayo in lagu dhiso Maamul gaar ah oo Galmudug yeelata lagana hago Villa Somalia.

Mr. Fiqi oo Xubin ka ahaa Dalada Xisbiyada Mucaaradka horeyna u soo noqday Madaxa NISA ee Soomaaliya iyo Danjire ayaa haatan loo wadaa inuu noqdo Wasiirka Amniga Galmudug, waxaana jiray kulamo hoose oo maalmahan u socday isaga iyo Qorta gareen.

Halka in Xildhibaan Saabir lagu wado in loo dhiibo Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumeysiga maamulka Galmudug, sida xogaha aynu ku ogaanay Xildhibaanka ayaa ogolaaday qabadhada xilkaas.

Xildhibaan Fiqi ayaa hore ugu tartamay xilka madaxtinimo ee Galmudug, iyadoo codad tira yar uu kaga guuleystay madaxweynihii u horeeyay ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, sidoo kale waxaa jira Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo muuqan doona Wasiirada uu dhawaan soo magacaabi doono Qoor Qoor.

29340cookie-checkXildhibaano Xil U Doontay Galmudug