Xildhibaano Laga Hor-istaagay Iney Soo Laabtaan..

Politics

Maamulka Villa Somalia ayaa is hortaagtay dadaallo ay baarlamanka cusub ee Koonfur Galbeed uga mid noqon lahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee xiligaan Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna iyo Wasiirka Dekdaha maamulkaasi Xasan Xuseen Eelaay…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Muqdisho lagu celiyay Mr.C/qaadir Sheekunaa oo damacsnaaa inuu ka mid noqdo baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed islamarkaana si cad loogu diiday, Sidoo kale wasiir Eelaay ayaa laga hor istaagay damacan oo kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka baxay Muqdisho, waxaana markii uu gaaray Baydhabo loo sheegay in uusan warbaahinta la hadli karin isaga iyo wasiirkaba,

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay u yeeray weriyayaasha Baydhabo waxa uuna si cad ugu sheegay in aysan baahin karin wax cabasha ah oo ku saabsan soo xulista baarlamaanka, markii uu amarkaan bixinayay waxaa barbar fadhiyay Guddoomiyaha iyo wasiirka loo diiday in ay Xildhibaanada kamid noqdaan.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta xukuumadda Soomaaliya ay tallaabadan uga qaaday labadan xubnood, una amartay madaxweyne Lafta-gareen inuu hor-istaago inay xildhibaano noqdaan.

Labadaan xubnood ayaa wajahaya cadaadis iyo cabsi gelin waxaana loo sheegay in dhibaatooyin ay la kulmi doonaan haddii ay hadlaan. Sidoo kale wasiir Eelaay ayaa la filayaa in dhawaan xilka laga qaado sida ay noo sheegeen xubno xog ogaal ah.

22850cookie-checkXildhibaano Laga Hor-istaagay Iney Soo Laabtaan..