Xogo La Xiriira Wada Hadal U Dhaxeeya Sarkiil Jubbaland Iyo Ethiopia.

Politics

Warbixin Xog xambaarsan oo laga helay ilo muhiim ah ayaa u sheeegay Diinah.com in Saraakiil ka tirsan Sidoonka Ciidamada Ethiopia, ay la fureen wadahadalo qarsoodi ah iyo yabooh dhaqaale Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbalan, wada hadalkaasi oo soo gaaray heer dhexe…

Xogtaan ayaa intaasi raacisay In Mr.Maxamuud Sayid Aadan, Xiligii uu magaalada Madheera ku sugnaa, ayaa la sheegay iney la soo xiriireen Saraakiil Oromo ah kuwaasoo wakiil ka ahaa Maamulka Villa Somalia, waxeyna xiligaasi isku dayeen inay heshiis hordhac ah la gaaraan, kadibna xiriir toos ah uu la yeesho Maamulka Farmaajo, qorshaha wada-hadalka ah waxaa uu qaatay waqti dheer laga soo bilaabo intii uu ku sugnaa degaanka Bp1 ilaa intii uu joogay Banyooley.

Wada-hadalka ma gaarin in lala hadalsiiyo Dowladda Faderalka intaasi waxaa wada-hadlayay isaga iyo saraakiisha Ethiopian ah, markii uu dib ugu laabtay magaalada Nairobi, Mr.Maxamuud Sayid Aadan , ayuu bilaabay inuu toos uu ula gorgortamo Wakiilka ka socda Mr.Farmaajo, waxaaana xiriirkaasi hagaayay, Danjiraha Ethiopia u fadhiya Nairobi, iyo Laba Sarkaal oo ka tirsan Dowlad degaanka Soomaalida ee Ethiopia, kuwaaso kala ah Ku-xigeenka hogaanka nabadgalyada  Dowladda deganka Somaalida Maxamed Yarow Cismaan iyo xubin kale. 

Wasiirka Gashaaniga Ethiopia Lemma Magersa oo qadka talefanka kula xiriiray Mr.Maxamuud Sayid oo xiligaasi joogay Nairobi, wuxuuna culeys ku saaray inuu Maxamuud ka tanaasulo xilka Madaxweyne Ku-Xigeen ee Jubaland, Doorashadii dhacday inuu sharci daro ku tilmaamo, In Dhaqaale ay Dowladda ugu talo gashayna uu qaato Balad-Xaawo uu xarun ka dhigto si uu u difaaco danaha Beesha Mareexaan.

Xuuraanka ayaa tilmaamay in Mr.Maxamud Sayid uu dalbaday In wakhti la siiyo si uu uga soo tashado, waana la diiday, Waxaana Wararka sheegeen In la isku fahmi waayay Kulanakaasi u dhaxeeyay Isaga Iyo Saraakiisha Oromada, waxaana ku soo biiray dadaalada “Mr.Bilaal Kooke” iyo “Macalimuu” kuwaas oo isku dayay inay ku qanciyaan qodobada shirka lagu soo Bandhigay.  

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Deni iyo Mr. umar Cabdirashiid ayaa Maxamuud Sayid waxaa ay kula taliyeen in Maamulka Farmaajo uu wakhtigiisa dhamaaday, uusan wakhti ku lumin inuu heshiis la gaaro.

Ilo-wareedkaan ayaa sheegay in Wada-hadalkaasi uu fashilmay, halka warar kale ay leeyihiin waxaa dhiman kulama kale oo suurto gal ka dhigi karo in heshiis la gaaro. Shirkaan ayaa qorshihiisa waxaa ahaa inuu ka dhaco Adis-Abab balse Maxamuud Sayid ayaa ka cudurtaay waxaa laga yabaa In kulankaan ka xigo uu ka dhaco Dalka Jabuuti hadiii xogaa Isfahan ah la gaaro.Kenya iyo Sheekh Axmed Madoobe waa laga qarinayay wada-hadaladan inkastoo hadda ay soo shaacbaxeen.

23490cookie-checkXogo La Xiriira Wada Hadal U Dhaxeeya Sarkiil Jubbaland Iyo Ethiopia.