Xoogaga amaanka Oo Rasaas Adeegsaday…

Politics

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Xoogaga amaanka ay rasaas la beegsadeen dadweyne ku signaal garoon ciyaareed, iyadoo rasaastaana ay ku dhacday mid kamid ah dhalinyaro u soo daawasho tagtay ciyaarta…

Ciyaar ka tirsanayd tartanta horyaalka magaalada Jowhar ayna u soo daawasho tageen boqolaal Taageerayaal ah, ayaa markii ay soo dhamaatay waxaa ka bilowday rabshado iyo buuq.

Wiil dhalinyaro ah ayaa u geeriyooday rasaas ay rideen Xoogaga amaanka magaalada Jowhar xilli rabshado ay ka dhaceen garoonka ciyaaraha magaalada Jowhar, Wiilka dhalinyarada ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Xasan Bariise waxana uu ka mid ahaa ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Jowhar.

Ciidamadii garoonka ku sugnaa ee ilaalinaysay ammaanka ayaa xabsiga la dhigey iyadoo la baarayo shilkan uu ku geeriyooday wiilka dhalinyarada ah.

20770cookie-checkXoogaga amaanka Oo Rasaas Adeegsaday…