Wararka naga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Maamulka Degmada Waajid ee Konfurta Gobolka Bakool ayaa sheegay in Ciidamada Amniga (Boliiska & NISA) ee Degaanka aysan muddo sanado ah helin mushaaraadka iyo xuquuqaha kale…
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Degmada ay muddo Hal sano iyo bar helin Xuquqdii dhaqaale ayna ky shaqeynaayeen si mutadawacnimo ah, Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Degmada Wajid ay ku jirto go’doon ay geliyeen Maleeshiyaadka kooxda Shababka ku hayaan muddo 8 sano ah.
Taliyaha Saldhigga Boliiska ayaa sheegay in Ciidamadaan muddo sugaayay Amniga Degmada aysan helin xuquuqdii ay ku shaqeynaayeen muddo 1-samo iyo 6-Biliod, wuxuuna baaq u diray Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Hogaanka Maamulka Konfur galbeed iney wax ka qabtaan cabashadooda.