Xubno lagu Xiray Magaalada Baydhabo

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya in Howlgalo ay qaadeen Xoogaga amaanka ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, kuwaasoo ku soo qab-qabtay xubno si dhow loola xiriiriyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo xabsi guri ku ah Magaalada Muqdisho….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xubnahaan oo afar ah laba ka mida Haween, waxaana xabsiga dhigay ciidan gaar ah oo ka amar-qaata Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Ciidamadan ayaa waxaa dhawaan tababar u soo geba-gabeeyay Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, isla-markaana degan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Xubnahan oo dhalinyaro ah ayaa ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, ee uu hoggaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, ku xabisan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigay Khadar Sheekh Nuur Cali, Maxamed Maxamuud Maxamedow, Maano Arlaadi iyo Daahiro Xasan Aadan.

28120cookie-checkXubno lagu Xiray Magaalada Baydhabo