Yuhuuda Oo Dab Qabadsiiyay Masaajid ku Yasl Daanta Galbeed ee Palestina…

Security World

Dad Hubeysan oo u dhashay Israel ayaa dab qabadsiiyay Masjid ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo sidoo kale wejiga dhismaha ku qoray erayo nacayb iyo cunsuriyad xambaarsan sida “Aargoosi” iyo “Xasuuqa Carabta” oo lagu buufiyay luqadda Cibraaniga..

gudoomiyaha Gobolka Salfit, Mr.Abdallah Kamil ayaa sheegay Jimcihii in weerarka lala beegsaday masaajidka Bar al-Walidain ee tuulada Marda, Nasfat al-Khufash, oo ah Madaxa Golaha Degaanka Marda, ayaa sidoo kale xaqiijiyay “Weerarka Argagaxiso”, wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

Rabshadaha Dhulka sida sharci darada ah loo haysto ee Daanta Galbeed ee Palestine ayaa sii xoogaystay tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Laga bilaabo Oktoobar 2024, waxaa Daanta Galbeed ka dhacay ugu yaraan 1,400 weerar, Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, ugu yaraan 803 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed, sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Palestine.

353940cookie-checkYuhuuda Oo Dab Qabadsiiyay Masaajid ku Yasl Daanta Galbeed ee Palestina…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *