Share the post "2-Gabdhood Oo Walaalo ah Da’dooduna Hooseyso oo Kufsi loogu Geysay Garoowe.."
Warbixin wel wel xambaaraan ayaa daaha ka rogeysa in Fal kufsi ah oo loo geystay 2-Gabdhood oo Walaalo ah da’dooduna hooseyso kana mid ah Dadka Barakacayaasha ku ah xero ku taal magaalada Garoowe, falkaan ayaa laga xaaiijiyay Isbitaalka Magaalada…
Xogta ayaa xaqiijisay in Dhibanayaashaan oo da’doodu lagu qiyaasay 8 & 10 sano jiro, ayaa maalintii axadii la geeyay Isbitaalka Magaalada, Howlwadeenada Caafimaadka ayaa xaqiijiyay calaamadaha kufsiga kadib markii la baaray, Falalkaan kufsiga iyo Dilalka joogto ka noqday, iyadoo Hogaanka Maamulka uu ka gaabiyay iney xakameeyaan tacadiyadaan joogtada noqday.
Dhibanayaasha ayaa waxay ka ururinayeen Qashinka caagaga dib-u-warshadaynta – hawshaasoo ay inta badan qaban jireen si ay u kaalmeeyaan dakhliga qoyskooda. Qoyskoodu waxay ku nool yihiin mid ka mid ah degsiimooyinka barakacayaasha Garoowe (IDP), oo ay ku nool yihiin boqollaal qoys oo ay barakiciyeen colaado ama abaaro.
Ilo Degaanka ah ayaa sheegay in Shaqsi degaanka ka soo jeeda oo watay Gaari la sheegay in uu gabdhahan ku sasabiyay iney raacaan, kadibna uu u kaxeeyay meel fog oo magaalada ka baxsan, waxaana la sheegay in weerarka uu ka dhacay, kadibna Gabdhihii goobta uga soo tagay, Laanta Baarista Dembiyada ee magaalada Garoowe ayaa Dacwada diiwaan gelisay inkastoo aysan u soo qaban Eedeysanaha falka geystay.