Boliiska Gobolka Benadir Oo Horistaagay Kulankii Baarlamaanka

Somalia news

Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Banaadir Saadiq John ayaa sheegay inuu is hor taagay kulankii maanta ee Barlamaanka sidaasna uu ku baaqday kulankaasi, sababo la xiriira amniga guud ee Magaalada Mogadishu…

Mr.Saadaq ayaa digniin u diray Xildhibaanadaan Barlamaanka & Ra’iisalwasaare Rooble wuxuuna yidhi;- “Ma doonayno in dalku ku laabto qalaalaase, kulankii maanta waanu baajinay waxaana dhici lahaa boob. Barlamaanka waxaan leeyahay lagama shaqayn karo qalaalase. Ra’iisalwasaare Rooble waxaan usheegayaa wadanka Masuuliyadiisa in uu qaato waxaan leeyahay meel ha fadhiisan oo yaan wax laguu yeedhin…”

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Saadiq John iyo Farmaajo, kadib markii la sheegay in John lagu bedelay Faarax Qaroole oo beel ka soo wada jeedaan Saaqid John.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada la dhigay hareeraha xarunta, iyadoo la sheegay in Ciidamadii Boliiska ee Joogay Isbarooyinka Madaxtooyada lagu bedelay kuwo Boliiska Dableyda Madaxtooyada.

https://www.facebook.com/339336053582809/videos/298320068441206/

110260cookie-checkBoliiska Gobolka Benadir Oo Horistaagay Kulankii Baarlamaanka