Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulamadii Danjiraha USA iyo Wakiilka UN-ka ugu kala dab qaadaayeen Dhinacyada isku haya Khilaafka ka dhashay Doorashada iyo Xiisada Ciidamada Gobolka Gedo, iyadoo Wararka ay sheegayaan in Farmaajo uu ka tanaasulay qodobo dhowr ah…
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo uu goordhow saxiixayo warqadii ahayd in uusan ahayn Talyaha Ciidamada, isla markaasna uu bedelaayo Taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska iyo Agaasimaha NISA.
Sidoo kale wuxuu oggolaadaan in Shirka ay kasoo qeyb galaan Madaxweynayaashii hore Sh.Shariif iyo Xasan Shiikh, in Ajandaha Shirka waxaa lagu soo bislaynayaa banaanka Shirka intaan hoolka la imaan.
Amaanka waxaa si buuxda ula wareegay Amisom iyo Ciidamo Maraykan ah,iyadoo Markab Dagaal uu soo istaagay Meel udhow Xeebta ayna kasoo kaceen Diyaarado Hawada dul heehaabaya Xalane iyo garoonka.
Galabta, ayuu si rasmi ah ufurmayaa Shirku kadib kulan ka dhici doona Safaarada Maraykanka.
Dinuqraadiyada Iyo Federaaleynta ha waarto