Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Oo ka Codsanaaya Baarlamaanka Muddo Kordhin la Xiriirta Golaha Wasiirada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Xamse Cabdi Barre uu codsan rabo in 10 maalmood oo dheeraad ah loogu daro muddada uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada…

Wararka ayaa sheegay in Kulan u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamse uu xalay qabsoomay, iyadoo wararku sheegayaan in looga hadlay arrintan 10-ka Maalmood ee dheeraadka la siiyo Ra’iisul Wasaaraha, si uu usii dhameystiro wadatashiyo horay ugu socday oo ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirada.

Inkastoo aanay Dastuuri aheyn, haddanaCurfiga Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ahaa in 30 maalmood gudahood lagu soo dhiso Golaha Wasiirada, marka la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha, taasoo dhaqan soo jireen aheyd illaa 1960-kii.

203200cookie-checkWasiirka 1-aad Ee Dowladda Oo ka Codsanaaya Baarlamaanka Muddo Kordhin la Xiriirta Golaha Wasiirada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com