Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Xafiisyada Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil-gaarsiinta ayaa waxaa ku baxay fadeexado culus oo dib u dhigay hanaanka Dowlad wanaaga iyo daah-furnaanta Adeegyada hantida Dadweynaha, iyadoo la sheegay in Saraakiisha Xafiisyadaasi ay ku lug leeyihiin fadeexadaani..
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Xoghayaha KMG ah Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa farta lagu fiiqay inuu ka faa’iidaysanayo is-xisaabin la’aanta xafiiska ka jirta, khibrad yarida shaaqalaha Xafiisyadaasi ka shaqeeya iyo marxalada siyaasadeed ee xiligaan kala guurka ah ayuu ku dhiiraday inuu ku kaco:-
-Ku takri-falka miisaaniyadda xafiiska si-uu gunnooyin ugu qoro shaqsiyaad gaar ah oo kamida shaqaalaha dawladda ee isaga isku dhowyihiin.
-Shaqaaleysiinta la-taliyeyaal aan xirfid aqooneed lahayn kuwaasoo cuuryaamiyay hawlihii xukuumaddu loo igmaday
-Musuq baahsan oo ku salaysan eex, qabyaalad iyo ku tagri-fal hantida dadweynaha oo aan qarsoonayn.
Eedeha loo heysto Xoghayaha iyo la-taliyeyaasha qaar kamida ayaa ilaa maalintii la magacaabay deggan Hotel Decale oo qiimihiisu aad u sarayeeyo halka hooyooyin iyo caruur Soomnaaliyeed ay gaajo iyo harraad ugu dhimmanayaan qeyba kamida dalka.