Dowladda Federaalka Oo Qoraneysa Macallimiin & Ujeedka laga Leeyahay

Somalia news

Mas’uuliyiinta Wasaarada Waxbarashada ayaa Caasimada ka daah furay Qorshaha lagu soo xulaayo 3000-Macallimiin ah oo mar kaliyah ay qoraneyso Wasaarada Waxbarashada, iyadoo mashruucaan uu qeyb ka yahay Bangiga Aduunka maalgelintiisa, iyadoo Miisaaniyada Sanadkaan lagu daray…

Hadafka laga leeyahay ayeey Mas’uuliyiinta Wasaarada Waxbarashada ku xuseen iney tahay in la helo adeeg Waxbarasho oo la gaarsiiyo ilaa 4-Milyan oo Caruur ah oo Da’doodu Waxbarshada Gaartay kuna nool Dalka gudihiisa kuwaasoo aan helin fursad waxbarasho oo Dugsiyada ku tagaan, Caruurtaan ayaa la sheegay iney ka mid noqon doonaan degaanada dhawaan laga xoreeyay kooxda argagixisada Shababka.

Wararka ayaa sheegaya in Gunooyinka loo qoondeeyay Macalliniintaan ayaa u dhaxeyn doona 600- US$ oo ay Macallimiinta qaadan doonaan bishiiba halka Maamulayaasha Dugsiyada loo qondeeyay 1000 US$ bishiiba, Wasaarada ayaa qaadista Imtixaanka u xulatay Guddi gaar ah, kadibna Macallimta la siin doono Tababaro si ay awood ugu yeeshaan iney dhigaan Manhajka cusub ee Maamulka Xasan Sheekh ay xusheen.

Inkastoo Dadka naqdiya Barnaamijkaan ay farta ku godeen qaabka loo sugi doona Amaanka Dugsiyada, Macallimiinta iyo Ardayda marka la geeyo degaanada laga xoreeyay kooxda Argagixisada, si kastaba Mashruucaan ayaa noqonaaya adeeg bulsho ee ugu baaxda weyn ee mar kaliyah ay Dowladdu fuliso.

241160cookie-checkDowladda Federaalka Oo Qoraneysa Macallimiin & Ujeedka laga Leeyahay