Dhaqaale Intee La’eg Ayaa Laga Qaaday Ardayda Puntland Ee Loo Sixi Waayay Imtixaanka?

Somalia news

Iyadoo lagu wado inuu furmo Sannad-dugsiyeedka Dugsiyada Waxbarashada Puntland, maanta oo Isniin ah, xilli aan weli la sixin imtixaankii shahaadiga ahaa ee laga qaaday Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, iyadoo sabab looga dhigay dhaqaale la’aan..

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya In ka badan 12,000 oo arday ayaa u fariistay Imtixaankan Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Dhexe, oo sida wararku sheegayaan loo waayay dhaqaale lagu saxo, inkastoo aysan weli Wasaaraddu ka hadlin arrintaas.

Ilo Wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Imtixaanka ka hor, arday kasta oo kamid ah 12,000 kun waxa laga qaaday lacag dhan US$-20, waxaana lacagtaas wadar ahaan u dhigantaa $240,000 kun oo Dollar, haddii lagu dhufto tirada guud ee ardayda.

Haddaba, sideee u aragtaa in Imtixaanka dhaqaale loo waayay, iyadoo ardayda laga qaaday $240,000 kun oo Dollar?

132800cookie-checkDhaqaale Intee La’eg Ayaa Laga Qaaday Ardayda Puntland Ee Loo Sixi Waayay Imtixaanka?