Maraakiibta Ganacsi oo Cabsi Haliseed oo Afduub ka Wajahaaya Xeebaha Somalia..

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhay cabsi haliseed oo burcad Badeedka Somalia ay ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga, Xamuulka Shidaalka iyo kuwa Konteenarada, iyagoo sare u qaaday howlgalada iyo ugaarsiga lagu hayo Maraakiibta caalamiga ah, waxeyna talabadaani sii kordhisay xaaladaha Amaan ee Badda Cas iyo Badweynta India, sida laga soo xigtay ilo-Amaan…

Shirkadda Amaanka Badda Ambrey ee UK ayaa sheegtay in Markabka ay koox Burcad badeed afduubtay uu gaaray meel ka baxsan xeebta Bander Murcaayo ee Puntland, Soomaaliya 17-kii Dec, “Talabaadani waxaa lagu qiimeeyay iney noqonayso afduubkii ugu horreeyay ee markab ganacsi oo ay afduubtaan burcadbadeed Soomaaliyeed tan iyo 13 sannadkii 2017, Ambrey ku qiimeysay in dhacdadani ay u badan tahay inay qayb ka ahayd xasillooni-darro siyaasadeed oo ka jirta Puntland,” ayuu yiri Bayaanka Ambrey.

Ficiladaan soo korshay ayaa lagu qiimeeyay khatar fal-dambiyeed iyo dib u soo laba kacleynta kooxaha Burcada Badda, iyagoo ka faa’iideysanaaya khilaafka iyo muranka Doorashada degaanada Puntland ka taagan, iyadoo laga digay in Xiriir dhex maro Kooxda Xutiyiinta iyo Burcadka Somalia.

Marka ay xasilooni darro muddo dheer soo jiitanto Siyaasiyiinta Puntland ay xal iyo heshiis gaari waayaan, waxaa cad in taasi ay fursad siinayso kooxaha burcad-badeedda ama kooxaha Argagixisada ah ee suurtagalka ah inay hawlgalaan, Waxayna Puntland hadda soo martay xasilooni darro ka dhalatay muran doorasho oo daba dheeratay dhiigna ku daatay.

294360cookie-checkMaraakiibta Ganacsi oo Cabsi Haliseed oo Afduub ka Wajahaaya Xeebaha Somalia..