Dagaalka Kaluumeysiga Sharci-darrada Ee Xeebaha Somalia Oo Gaaray Maxkamadaha Dalalka Deriska

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa dagaal mindhicireed Boobka Kaluunka Xeebaha Somalia saldhigiisu yahay, ayaa ka bilaawday Maxkamadaha Dalka Kenya, iyadoo la sheegay in Mas’uul ka tirsan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu dacwad ku soo oogay Mr.Jay Bahdur iyo Urur aan Dowli aheyn (NGO) iney jabsadeen Emailkiisa…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u soo dusiyay in Kiiskaan uu salka ku hayo Kaluumeysiga Sharci darrada ah Ee Maamulka Farmaajo uu Qandaraasyo ku siiyay Shirkado shisheeye oo ka kaluumeysta Xeebaha Somalia, Wasiiru Dowladaha Maaliyada Mr.Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa weydiistay Xeer-beegta Kenya iney joojiyaan Baarista ay wadaan Mr.Jay Bahdur iyo Hey’adda la-dagaalanka Dembiyada abaabulan Ee Caalamiga ah (Global Initiative against transnational organize Crime) oo Wasiirku qeyb ka yahay.

Mr.Xayir ayaa dhexda kaga jira baaritaano ay wada wadaan Mr.Bahdur iyo Hey’adda Giato, iyadoo Baaris lagu sameeyay Shirkad la magac baxday (Nord-East Fishing, NEFCO), Sharkadani ayaa ka mid ah Kuwa xaalufinta Kaluunka Xeebaha Somalia ka wada isla markaasna u dhoofiya Dalka China, iyagoo taageero ka hela Hogaanka Wasaaradaha Kaluumeysiga iyo Maaliyada Dowladda Federaalka.

Mr.Xayir ayaa ku eedeeyay Mr.Bahdur iyo Giato iney jabsadeen Emailkiisa isla markaasna kala baxeen dokumentiyo muhiim ah, kuwaasoo ay u isticmaaleen Warbixintooda, wuxuuna Maxkamada Sare Ee Kenya ka codsaday iney soo fara geliso, inkastoo uusan xusin sababta uu Dalka Somalia uga furi waayay Dacwada.

132830cookie-checkDagaalka Kaluumeysiga Sharci-darrada Ee Xeebaha Somalia Oo Gaaray Maxkamadaha Dalalka Deriska