Maxaa Xiligaan Dib u soo Nooleeyay Dhalinyaradii Lagu soo Tababaray Dalka Eritrea..

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay guux iyo cabasho ay tirsanayaan qaar ka mid ah Dhalinyaradii lagu soo tababaray Dalka Eritrea kuwaasoo lagu hayo xero ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku taal Magaalada Mogadishu…

Ilo loo qaateen ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu kulan xog wareysi ah la qaataan qaar ka mid Waalidiinta Dhalinyaradaan, isagoo warbixin ka siiyay Xaalada Dhalinyaradaan kuwa Dalka gudihiisa ku sugan iyo weli ku maqan Tababarka ee Dalka Eritrea, inkastoo uu ka gaabsaday wararka sheegaya Cabasho ay keeneen Qaar ka mid ah Dhalinyaradaan.

Kulankaan ayaa ku soo hagaagay xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxeen warar sheegaya in 200 oo Dhalinyaradaan ka mid ah ay ka baxsadeen Xerada lagu hayo ee Magaalada Mogadishu, kadib markii ay la kulmeen xaalad dayacaad ah isla markaasna ay la siinin xuquuqdii gunnada muddo 2-Bilood ku dhawaad.

Inkastoo uu mar labaad Madaxweynaha ku booqday Xerada ay ku sugan yihiin Ciidamadaan, hadal jeedintiisiina uu goobta ka sameeyay ugu sheegay Dhalinyaradaan iney u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada dagaal ka dhan ah kooxda Argagixisada Shababka qaarkoodna loo daabuli doono magaalada Kismaayo.

239460cookie-checkMaxaa Xiligaan Dib u soo Nooleeyay Dhalinyaradii Lagu soo Tababaray Dalka Eritrea..