Xubno Siroonka USA Ka Tirsan Oo Qirtay Iney U Shaqeeyaan UAE

World

Saddex sarkaal oo hore ugu soo shaqeeyay Hey’addaha Mukhaabaraadka iyo Sirta Ciidamada Mareykanka ayaa qirtay iney si qarsoodi ah ugu shaqeeyeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, si ay uga caawiyaan in UAE beegsado kambuyuutarrada iyo Talefonada…

Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in saddexdani nin ay aqbaleen iney bixiyaan lacag dhan hal milyan iyo toddobo boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah, si ay loo tuuro dacwado ay kusoo oogtay Waaxda Cadaalada Mareykanka, Hey’adda ayaa ku tilmaantay heshiiskaas kii ugu horreeyay oo noocsiisa ah.

Eedeysanayaashaan oo kala ah Marc Baier, Ryan Adams iyo Daniel Gericke ayaa lagu soo eedeeyay iney maamulayeen Hey’ad fariisinkeedu yahay dalka Imaaraadka, taasoo ka shaqeysa howlgallo lagu jabsado kambuyuutarrada iyo telefoonnada (Hackers) dadka kasoo horjeedda Dowladda Imaaraadka.

Kambuyuutarrada ay jabsadeen ayaa la sheegay iney yaalleen meelo badan oo dunida ah oo uu ka mid yahay Mareykanka, Saddexdan sarkaal ayaa lagu eedeeyay iney jabiyeen xeerarka la xiriira macluumaadka iyo jabsashada kambuyuutarrada ee Mareykanka.

140870cookie-checkXubno Siroonka USA Ka Tirsan Oo Qirtay Iney U Shaqeeyaan UAE