Dhul-Gariir Xoog leh oo Mar kale ka Dhacay Dalka Turkiga

World

Wararka naga soo gaaraya Dalka Turkiga ayaa sheegaya in mar kale uu dhul garoir ka dhacay Dalkaasi kaasoo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.4, wuxuuna ka dhacay Konfurta Dalkaasi, iyadoo la sheegay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay…

War ka soo baxay Hay’adda Masiibooyinka iyo Gargaarka degdegga ah ee Turkiga AFAD ayaa lagu sheegay in Dhul-gariirku uu dhacay 20:04 xilliga maxaliga ah (17:04 GMT), waxaana xigay tobanaan gariir kadib, waxaa ku geeriyooday ilaa 3-Qof, halka dhaawacana la sheegay inuu kor u dhaafaayo in dad ka badan 680-Qof.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu, ayaa Dadka ugu baaqay in aysan gelin dhismayaasha halista ah ee burburka qarka u saaran, wuxuuna intaasi raaciyay Mr Soylu iney 213 qof ay ku dhaawacmeen gudaha wadanka Turkiga, Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in burbur hor leh uu soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada Antakya, halka duqa magaalada Hatay ee koonfurta Turkiga uu sheegay in dad ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

243100cookie-checkDhul-Gariir Xoog leh oo Mar kale ka Dhacay Dalka Turkiga