Culumaa’udiinka Ahlu Sunnah Oo Digniino Soo Saaray

Somalia news

Xiisadaha Colaadeed ee ka taagan degaanka Guricel ayaa laga cabsi qabaa inuu ku faafo degaano kale, kadib markii Villa Somalia Ay dhaqaale ku siisay Kooxda Ictisaam Ee Maamulkooda Taageersan iney cambaareyaan Xoogaga Suufiyada, Talaabadaan ayaa horseeday…

In Culima’udiinka Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo maalmihii u dambeeyay uu kulan uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga deyrinayaan xiisadda ka taagan Galmudug, Xariga Odayaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka iyo saameynta Kooxda Wahaabiyada oo la safatay Villa Somalia iyo Galmudug.

Sheekh Daahir Axmed Salaad oo kamid ah Culimada Ahlu-Sunna ayaa warbaahinta u aqriyay war-saxaafadeedkaas, wuxuuna sheegay in maamulka Qoor Qoor uu dhagaha ka fureystay baaqyada nabadeed, Waxay ku macneeyen xiisada Guriceel iyo dagaalka ka dhanka ah Hogaanka Ahlu-Sunna in uu yahay mid caqiido, oo lagu baabi’inayo dalka, sida ay ku sheegen Culima’udiinka qoraalkooda.

“Marka ay arkeen in ciidamadii furimaha cadowga ku horjoogay loo daabulayo si loogu dagaalamo Culima’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, markay arkeen fatwooyinka is-daba jooga ah ee lagu baneysanayo dhiiga Culima’udiinka Ahlu-Sunna, waxay isla qaateen inuu yahay mid ku saleysan caqiido” ayaa lagu yiri qoraalka

“In aan dalka la gelin dagaal caqiido, kaasi oo haddii uu billowdo aan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono, dibna loo soo celiyo ciidamada la dul geeyay magaalada Guriceel. In la ogolaado wada-hadal shuruud la’aan ah, dhamaan waxa la isku khilaafsan yahay lagu dhameeyo miiska dushiisa.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo caburinta lagu hayo dadaalada nabadeed, islamarkaana xabsiga laga sii daayo dhamaan odayaasha ku baaqay nabada, kuwaasoo ku xiran saldhigga Boliiska magaalada Dhuusomareeb.

147010cookie-checkCulumaa’udiinka Ahlu Sunnah Oo Digniino Soo Saaray