Lafta gareen Oo u Soo Xushay Xildhibaano Taageersan Baarlamaanka 11-aad

Somalia news

Waxaa aad isu-soo taraya tuhunka caddeynaaya in Mr.Cabdicasiis Laftagareen uu ku jiro damac ah inuu xubin ka noqdo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka, iyadoo kursigii uu ku fadhin jiray (Hop#172) uu ka dhigay midka ugu dambeeya ee la qabto tartankiisa…

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xildhibaano u soo doortay xubno badan oo ka tirsanaa xukuumadda Laftagareen iyo Baarlamaanka maamulkaas, waxayna K/Galbeed noqotay maamulka xubnaha ugu badan ee golayaashiisa ay ku biireen, Xubnaha Xildhibaanda noqday ayaa waxay isugu jiraan 8-wasiir, labo wasiir ku xigeen, Agaasime guud, Taliyaha Qeybta 60-aad iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Cali Saciid Fiqi.

15-ka bishaan waxaa la dooranayaa 7-da Musharax ee ugu dambeeyay kuraasta degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, waxayna wararka aan heleyno sheegayaan in xubnaha la filayo in la doorto ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga Maamulkaasi, iyadoo ay sii xoojineysa tuhunka laga qabo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu yahay musharax Xildhibaan.

Farmaajo iyo Fahad ayaa la sheegay inay Laftagareen la doonayaan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay weli Laftagareen ma uusan cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay .

174560cookie-checkLafta gareen Oo u Soo Xushay Xildhibaano Taageersan Baarlamaanka 11-aad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com